Jowhar (Kaab TV)– Shirka Golaha Wasiirrada ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu ansaxiyay degmooyin cusub oo ka mid noqonaya degmooyinka rasmiga ah ee maamulkaas.
Deegaanada ay wasaaradda arrimaha gudaha HirShabeelle ay ogolaatay inay degmooyin noqdaan waxaa ka mid ah Moqokori. Masaajid Cali-Gaduud, Raaga-Ceelle, Buurweyn, Buq-aqable iyo Xawaadley.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay deegaanadaasi soo buuxiyeen shuruudihii degmo lagu noqon lahaa.
falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirrada HirShabeelle ayaa cod aqlabiyad ah maanta ku ansixiyay degmooyinkaas in hada kadib an yihiin degmooyin.
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa awood dastuuri ah u leh inay qiimeeyaan oo degmo u aqoonsadaan deegaanada soo kacaya ee dalka.
Waana markii ugu horeysay oo ay Hirshabeelle ay miiska soo saarto ansixinta degmooyin cusub oo ku biiraya degmooyinka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle.
Dowlad goboleedyada dalka ayaa horay degmooyin u aqoonsaday deegaano la aas-aasay intii Soomaaliya ay ku jirtay burburka.
Waa degmooyinkii ugu badnaa ee HirShabeelle ay aqoonsaneyso hal mar, waxaana hadda loo gudbinayaa baarlamaanka maamulkaas, si ay u ansixiyaan.