SO | EN

SO | EN

DEKADA Muqdisho oo laga soo dejiyay raashiin dhacay .

|

Muqdisho (KAAB) – Dekada magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu qabtay bur dhacay kaas oo ujeedku ahaa in la soo galiyo suuqyada magaalada Muqdisho.

Burkan ayaa lagu keenay dekada magaalada Muqdisho kunteenaro waawayn kuwaas oo ay soo rarteen ganacsato Soomaaliyeed sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha waaxda kormeerka ilaalinta tayada waaxda suuqyada ee hay’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi Fiidshi ayaa sheegay in dekadda Muqdisho ku qabteen kunteenaro ay ku jireen bur uu sheegay in bishan uu dhacay .

Waxa uu sheegay Fiidshe in burka ay qabteen uu gaarayo todobo kunteenar, waxa uuna caddeeyay in burkaasi hay’adaha dowladda ka gudan doonaan waajibkooda ayna hor istaageen in magaalada la galiyo.

Ma  jirto dhanka ganacsatada wax war ah oo ay ka soo saareen kunteenaradan burka dhacay ku jiray ee la sheegay in ay lahaayeen  ganacsato Soomaaliyeed.

Dekadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaana mararka qaar laga soo dejiyaa raashin iyo daawooyin dhacay, kuwaa oo saameyn iyo dhibaatooyin caafimaad darro u keena bulshada Soomaaliyeed ee isticmaala

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News