SO | EN

SO | EN

Dekadaha Soomaaliya oo xirmi doona haddii ay sii socdan talaabooyinkan.

|

Garoowe (KAAB)- Kooxaha burcadbadeeda  Soomaalida  ayaa markale  ku soo laba – kacleeyay xeebaha Soomaaliya oo ay ka gaysnayaan weeraro ay ku afduubanayaan maraakiibta.

Waxay ku guulaysteen kooxaha burcadbadeeda in ay ka qafaashaan xeebaha gacanka cadmeed dhawr Markab halka kuwa kale si xoog ah loogu furtay iyadoo wali Markab kale uu gacanta ugu jiro.

Wasiir hore Ali H. Warsame ayaa sheegay in dhibaatadaas burcadbadeed ay abuureen dalal shisheeye oo la doonayo in lagu curyaamiyo dekadaha Soomaaliya.

‘’Burcad-badeed waa musiibo-qaran ee waa in gacan bir ah lagu qabtaa oo isku-meel looga soo wada jeestaa. Khatarta ugu weyn waa in la xiro  dekedaha Soomaaliyeed oo xeebaheena laga cararo, waxaana suurtagal ah inay maalgelinayaan kooxo mujrimiin ah iyo dalal shisheeye ah’’ ayuu sheegay Wasiir hore Ali H. Warsame

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News