SO | EN

SO | EN

Dekadda magaalada Baraawe oo maanta ladhagax dhigay

|

Baraawe (Kaab TV) – Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Madoobe iyo madaxweynaha dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si wadajir ah udhagax dhigay dekadda magaalada Baraawe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Baraawe ugu baaqay in ay maal-gashtaan dekaddani waliba dadka kudhaqan, gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu intaasi kusii daray hadii dadka deegaankani ay dib ugu soo laabtaan ayna maal-gashtaan amnigana kashaqeeyaan waxey wax badan kabadali doontaa dhaqaalaha dalka.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa oo maanta gaaray magaalada Baraawe ee caasimada dowladd goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan soo dhaween ah loogu sameeyay xarunta degmada.

Dhanka kale madaxweyne Lafta-gareen ayaa ugu mahad celiyay Gudoomiyaha booqashada uu kuyimid  Baraawe ayna kufaraxsanyihiin bulshada reer Baraawe.

Hasayeeshee Gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ey gacan ween ka geesan doonto sidii ey, Baraawe qeyb ween ugu noqon leheed mashaariicda kasocoto dalka eyna noqon doonto caasimada rasmiga ah ey kushaqeeyn doonan maamulka Koonfur Galbeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News