Deni: Dowladda Xasan Sheekh xadgudubyada sharci waxay la bilaabatay maalinkii ay timid

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in xadgudubyada sharci iyo ku tumashada dastuurka ay bilaabatay isla maalintii ay xukuumaddu la wareegtay talada dalka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hab-dhaqanka dowladda dhexe uu horseeday kalsooni darro siyaasadeed iyo khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu tilmaamay in tallaabooyinka qaarkood ee ay qaaday xukuumaddu ay ka hor imaanayaan mabaadi’da federaalka iyo awood-qaybsiga ku cad dastuurka ku-meel-gaarka ah.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, Deni wuxuu ku dooday in geeddi-socod kasta oo lagu dhammaystirayo ama wax looga beddelayo dastuurka uu u baahan yahay wadatashi qaran oo loo dhan yahay, isla markaana aysan habboonayn in lagu saleeyo dano siyaasadeed oo gaar ah.

Wuxuu xusay in haddii aan la ilaalin nidaamka sharci iyo habraacyada heshiiska lagu yahay, ay taasi sii hurin karto xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News