Garoowe (kaab tv ) – Waxaa soo dhammaaday wareegga koowaad tartanka doorashada xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo haatan ka socoto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ay ku tartamayaan illaa 11 musharrax.
Wareeggan oo si weyn loogu loolamay ayaa waxaa kasoo gudbay saddex musharrax oo uu ugu horreeyo hogggaankana uu u hayo madaxweyne Saciid Deni oo helay 35 cod.
Labada musharrax ee kale ayaa kala ah Dr. Guuleed Saalax Barre oo helay 9 cod iyo Abshir Cumar Huruuse oo isna helay 8 cod, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.
Musharraxiinta kale ee wareegan ku haray waxaa kamid ah Xasan Shire Abgaal oo helay 5 cod, Axmed Ciise Cawad oo helay 4 cod, Asad Diyaano oo helay 3 cod iyo Maxamed Faroole oo helay 2 cod, halka ay jiraan musharraxiin kale oo haray, kuwaas oo helin wax cod ah.
Sidoo kale waxaa haatan sii soconaya doorashada, iyada oo musharixii guuleysaa uu noqon doono madaxweynaha 7-aad ee maamul goboleedka Puntland
Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee imaan doono ayaa waxaa horyaalla shaqo adag oo ay ugu horreysao wax ka qabashada khilaafka haatan Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo inay qabtaan muddo xileedkooda doorasho qof iyo cod ah.