SO | EN

SO | EN

DENI & Karaash oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafkii u dhexeeyay

|

Garoowe (KAAB )  Shir ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa looga hadlay Doorashada Puntland.

Madaxda ayaa ku heshiiyey qodobada soo socda :

1. In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

2. In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiis Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa u dhaxeeyay khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Go’ aankan ayaa la sadaalinayaa in wax badan ka bedelo hanaanka geedi socodka doorashooyinka Puntland oo isha lagu wada hayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News