Garoowe (KAAB) Shirar kala duwan ayaa ka soconaya magaalada Garoowe kuwaas oo intooda badan maanta looga hadlaya xaaladda siyaasada ee cakiran taas oo sababi karta gacan ka hadal.
Magaalada Garoowe waxaa ku soo dhamaaday shir saacado badan u socday siyaasiinta ololaha ugu jira madaxtinimada maamul goboleedka Puntland oo ay hareeysay khilaafaadyo dhawr ah .
Musharaxiintan waxa ay ku baaqeen in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto xukun maroorsiga uu hadda wado sida ay hadalka u dhigeen madaxwayne Saciid DENI oo ah musharax madaxwayne.
Waxa ay Sheegeen In Saciid Deni Madaxweynaha hada Haayo Talada uu Kaligiis gali Doono Doorashada Hadii aan wax Laga badalin.
Warka kasoo baxay musharaxiinta ayay ugu digeen madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Puntlans Siciid Deni in uusan Puntland u horseedin bur bur iyo khalaaase siyaasadeed.
Waxay sheegeen in musharaxiintan in wax kasta oo dhaca masuuliyada uu qaadi doono musharax madaxwayne Saciid Cabdullaahi DENI oo ay ku eedeeyeen inuu doonayo inuu boobo doorashada.