Garoowe (KAAB) Madaxwaynaha maamulka Puntlland ee dhawaan lagu caleemasaaray magaalada Garoowe ayaa bilaabay la tashiyo la xiriira dhismaha xukuumad cusub oo bedeli doonta tii hore.
Xarunta madaxtooyada Garoowe waxaa ka soconayay 24-kii saac ee la soo dhaafay shirar kala duwan ee madaxwaynaha maamulkaas uu la lahaa la- taliyaashiisa iyo xubnaha ku dhaw.
Saciid Deni ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu soo magacaabo xukuumad cusub oo la filayo in ay ka soo muuqdaan xubno ku cusub saaxada siyaasadda iyo in ay soo laabtaan kuwo ka mid ah xukuumadii hore.
Madaxweyne Deni ayaa la sheegaya dhinaca kale in uu baajiyay safar uu ugu bixi lahaa dalka dibaddiisa gaar ahaanna waddanka Imaaraatiga Carbeed.
Wararka ayaa tilmaamaya in Siciid Deni uu hadda si toos ah u guda-galay hawsha dhismaha xukuumadda cusub uuna bilaabay la-tashiyo ku aaddan arrintaas.
In muddo ahba waxa la dhawrayay nooca xukuumad ee uu soo dhisi doono madaxwaynaha Puntland Saciid Deni oo dib u dhac ku timid marar badan hase ahaatee markan uu guda galay Madaxwaynaha.
Siyaasadda Puntland ayaa isbedel uu ku yimid wixii ka danbeeyay markii dib loo doortay madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni isla markaana la caleema saaray dhawaan.