GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qeybgalay Xafladda 1-da August ee xuska sanad guurada 25-aad ee aasaaskii Puntland.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Shacabka rerr Puntland dal iyo dibad meeshay joogaan, wuxuuna xusay in Puntland Dadkeedu ay dadaal kusoo bixiyeen in ay soo gaarto maanta meesha la joogo iyo horumarka socda.
Dhanka kale, wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in Doorashada ay wakhtigeeda ku dhici doonto iyadoo aysan jirin wax muddo kordhin ah, Laguna tartamayo nidaamka dimuqraadiyadda oo Hadda Puntland ay Doorasho uga dhacday hal qof iyo hal cod 33 degmo.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Bulshada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn midnimada iyo isku duubnida ay muujiyeen iyo halgankooda taariikhiga ah ee ay ugu dagaalamayaan masiirkooda.