Garoowe (KAAB ) Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidanka maamulkaas aysan qayb ka ah dagaalka ka socda magaalada Laascanood ee gobolka Sool.
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dadka ku nool gobolada , Sool , Sanaag iyo cayn ay ku filan yihiin sida uu yiri in ay difaacdaan deegaankooda hase ahaatee iyaga qayb ka ahaan waxa socda sida uu yiri.
Saciid Cabdullaahi Deni mar uu ka hadlayay dhibaatada loo gaystay dadka ku nool goboladaas ayuu sheegay in loo adeegsaday dadkaas waxkasta oo Shacab meel degan loo adeegsan karo sida, Madaafiicda iyo hubka cul culus
“Puntland qayb kama ah dagaalka Sool kamana noqon doonto Haddii uusan codsi rasmi ah garaadada gobolka sool uga iman, waxay noo sheegeen in ay ku filan yihiin in ay difaacayaan Sharaftooda” ayuu yiri Madaxwaynaha Madaxwayne Deni.
Beesha Caalamka ayuu u sheegay Saciid Deni in dadka Laascanood ay u yihiin lug , dambeed markasta oo isimada codsi uga yimaadana ay yihiin diyaar hase ahaatee waxa uu yiri .
“Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan Nu-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay”
Somalinad ayaa dhawr mar waxa ay sheegtay in Puntland ay qayb ka tahay dagaalka ay ku qaaday dadka ku nool magaalada Laascanood ee gobolka Sool.