SO | EN

SO | EN

Deni: Xasan Sheekh wuxuu dagaal kuwadaa xilka beel gaar ah

|

Garoowe (Kaab TV) – Madaxweynaha dowladd goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh uu dagaal kuhayo beesha iska leh xilka R/Wasaaraha Soomaaliya.

“Ifafaalaha madaxweynaha tan iyo markii uu yimid xilka wey kamuuqatay sida uu ula dhaqmaayo xafiiska R/Wasaaraha awood qeebsigana waxaa awood gaar ah uleh dad kutagrifal badan awooda xafiiska R/Wasaarahana hoos ayuu geeyay” ayuu yiri Siciid Deni.

Deni oo markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska golaha wadatashiga qaran ee 27 bishan ayaa sheegay in meesha ugu sareyso uu marayo dagaalka beeshaasi madaxweynaha Xasan kaasii oo dhahay “hala baabi’iyo xilkooda” sida uu sheegay Siciid Deni.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in aysan macquul eheeen in wixii hore loogu heshiiyay labadalo ayadoo an lacadeynin iyo wax muuqda oo keeni karo lagu in la badlo.

“Wixii lagu heshiiyo ayaa sheqeynaya marka labadalyo waa in laga heshiiya haddana majirto sababo muuqda oo lagu badali karo.”

Waxa uu intaasi kudaray “hadda waxa uu sicad u yiri majiri doono waxa la leeyahay madaxweynaha waxa uu ku dhaartay Dastuurka oona lagu doortay waxan karajeyneynaa in uu Dastuurkan uu kudhaqmo uusan kuxad gudbin.

“Awooddaha sharciga ah ee dowladda dhexe leedahay dhabeheedii wey ka leexatay, Puntland-na wey caddeysay mowqifkeeda ayada oo raaceysa Dastuurkeeda iyo kan dowladda federaalka inay si gaar ah ugu dhaqmeyso inta laga helayo wado saxan iyo wax heshiis lagu yahay.”

Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dhab ah, marka loo fiiriyo sida ay hadda wax ku socdaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News