SO | EN

SO | EN

Deyn cafinta dowladda Ruushka iyo sameynta ey kuleedahay soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB) – Magalaada Moscow saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka imaanayay warar farxadgalinaaya Soomaaliya, sidoo kalana indha fur u ah xukuumada Soomaaliya oo dhexda kataagan jahwareerka ka heysta hannaanka deyn cafinta Soomaaliya sababtoo ah waa in ey Moscow ogolaatay cafinta deynta 67% ee dalkan soo kabanaya oo ah 684-milyan oo dollar.

1-Deynta lagu leeyahay soomaaliya waa 5-bilyan iyo 2000 ookun oo dollar, deyntan waxaa laqaatay 30-kii sano ee ugu horeysay xornimadii Soomaaliya, balse deyntii ugu badneyd waxaa laqaatay intii udhexeysay 1978 iyo 1990 lacagahaasi ayaa lasheegay in lagu hormarinyay mashaariic laxiriirta beeraha, xoolaha goroomo iyo dekado iyadoo ey kujirto lacago loo isticmaalay siyaasada sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in dhaqaalihii ugu badnaa uu soomaaliya kagalay dagaalkii Soomaaliya lagashay itoobiya sanadkii 1977 2-bilyan oo kamid ah lacagtan waa deynta saxda ee lagu leeyahay soomaaliya balse inta waa dulsaar ey saarteen waddamada laga amaahday lacagta madaama lagu bixin waayay waqtigii loogu talagalay.

2- waa maxay lacagta laga cafiyay Soomaaliya, asalka lacagtan ee labada dal kala saxiixdeen in lacafiyay lacagtan ayaa aheyd lacag ey Moscow dhigatay bankiga dhexe ee Soomaaliya xiligii uu uu wanaagsana  iyo xiriirka labada dowladood, hadane waxaa la ogsoonyahay lacagtaas oo kaash aheyd waxaa isticmaashay Soomaaliya xiligii ey kujirtay xaladihii kala guurka, sidoo kale bishii march ee sanadkii 2020 dalalka ruusha iyo Soomaaliya ayaa bilaabay hannaanka cadeynta lacagtan oo kaash aheyd oo xiligaas taalay bankigii dhexe ee soomaaliya xaqiiqd ahaanshiyeheeda, balse caqabadihii xiligaas horyaalaya soomaaliya ayaa ahaa ineysan jirin cadeymo soomaaliya ey kudoodi karto oo sheegaya in lacagtan ey xaqiiq tahay sida ey Moscow xaqiijisay, iyadoo loo baahday in la’aado dhabaha sax aahanshiyaha qiraalka iyadoo uu xiligaasi saxiixay wasiirkii maaliyada soomaaliya cabdiraxmaan ducaale beyle tasoo cadeyneyso in lacagtan Soomaaliya lagu leeyahay

3- dalka Soomaaliya waxa ey dhab ahaantii wiiqday wado ey Moscow iskaga difaacdo sanadkii 2020 dowladda soomaaliya waxa ay shakiyo badan kaqaaday dalabkii dowladda ruusha ee ahaa in uu diido saxiixa heshiiskii naadiga paris club ee soomaaliya kaga balan qaadeen deyn cafinta wallow ey dowladda Soomaaliya ey u aragtay rikaato madaama xiisadii Ukraine iyo ruuska ey taagneed hadana diidmooyinka ruusha iyo mareykanka ayaa ahaa caqabado waa weyn iyadoo dowladda Mareykanka ey u arkeysay dhib weyn in labadan dal uu dhexmaro heshiis iskaashi oo toos ah.

4- waxaa xalay soo shaac baxday in dowladda Soomaaliya ey ruusha u celineyso lacag dhan 8milyan oo dollar taas oo uu leeyahay bankiga dhexe ee ruusha, bixinta lacagtan ayey kadhalaynsaa cafinta lacag dhan 684 milyan oo dolaar taas oo deynta guud ee lagu leeyahay soomaaliya ka ah 13% Ruushka waa dalkii 10-aad oo u saxiixa hannaanka geedi socodka deyn cafintan taas oo xadidaysa amaahda deynta lagu leeyahay Soomaaliya, madaxweyen xasan sheikh ayaa kabaaqsaday saxiixida heshiiskan cabsi uu kaqabo Mareykanka awgeed iyadoo heshiiska markii hore uu ahaa in madaxweynuhu saxiixo heshiiska deyn cafinta balse cabsi xooggan uu kaqabo dowladda mareykanka awgeed uu ugu baaqday safarkan bilowgii bishan waxa uu madaxweynaha uu helay warqad casuumad oo uu madaxweynuhu kaga qeybgalayo shirka Afrcica iyo Ruushka oo heshiiskan lagu saxiixi lahaa balse nasiibdaro 13 bishaan ayey xukuumadu sheegtay in uu madaxweynuhu tagi Karin shirka, taas badalkeed madaxweynaha iyo Reysal Wasaaraha ayaa aaday shirar maqaamkoodu hooseeyo sidoo kalana lacago ka goostay qasnada dowladda kana dhacay Tanzania iyo Taliyaaniga waa xaqiiq galka soomaaliya in uu sameyn uu kuleeyahay Mareykanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News