Muqdisho (Kaab TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta kala saxiixday heshiisyo cusub iyo iskaashi dhexmari doono 2-sano ee soo socoto.
R/ Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa tilmaamay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddi-socodka wada-shaqaynta ee dhexmartay Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Haddaba Geeddi-socodka maanta la daah-furay oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan labada sano ee soo socota waxa ey kala yihiin.
Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024 Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka.