SO | EN

SO | EN

DF iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

|

Muqdisho (Kaab TV) – Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kordhinta taageerada dhanka saadka ah ee ciidamada qalabka sida iyo ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Maalmo ka hor yay aheyd markii dalalka ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya ay ku baaqeen in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta hubka, si ciidamadeeda qalabkasida ey u helaan qalabayn iyo dib u dhis xooggan.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in cunaqabaynta hubka ay caqabad weyn ku tahay dib u xoraynta dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

Bishii November, 2022, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la sii wado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Golaha ammaanku wuxuu sheegay in Al-shabaab ay weli khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, loona baahan yahay in cunaqabateyn lagu soo rogo si loo dhimo dhaqdhaqaaqyadooda

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cuna-qabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News