Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

DF oo sheegtay in ay ka baaqsatay ceebeynta dad ku kacay arrin yaab leh

|

Muqdisho (Kaab TV) – Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare oo shalay ku dhawaaqday natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay ayaa shaacisay in macallimiinta qaar ay kusoo xareysteen codsiga shahaadooyin been abuur ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in hadda aysan ceebeynayn macallimiintaas ku kacay arrintaas la-yaabka ku noqotay, balse ay uga digayaan inay ka waantoobaan waxyaabahaasi qaldan.

“Mar waxaan damacnay in aan ceebeyno dadka ku xad-gudbaya hufnaanta, laakiin waxaa dhahnay maadama markii u horeysay ay tahay faraha markaan faraha ka qaada, laakiin marka dambe ma deynayno, dadka la yimaada shahaadooyinka been abuurka waan hayna magacyadooda,” ayuu yiri wasiir Faarax Cabdulqaadir.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaasi ay shahaado been abuur kala yimaadeen Jaamacado ku yaalla dibadda, kuwaasi oo markii ay wasaaradda la xiriirtay noqday kuwa laga been abuurtay oo sal iyo raad toona laheyn.

“Jaamacadihii ayaa la xiriirnay oo liiskoodii waa la hayaa, haddii aan sii deyno waxa laga yaaba in badhkood lala aado maxkamaddo oo dhibaatooyin waaweyn la kulmaan. Been abuur in lagu shaqeysto suurta-gal ma ahan, weliba in macallin lagu noqdo suurta-gal ma ahan, meelaha kale ee muluq-muluqda ah anaga ma ogin.”

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa waxa uu shaaciyay in kharashaadka ku baxaya macallimiinta cusub ay bixiyeen shacabka Soomaaliyeed, “culeyska cidda dusha saaratay waa shacabka Soomaaliyeed ee canshuurta bixiya, iyaga oo abaar iyo dagaal ku jira go’aan ku gaaray inay bixiyaan canshuur loogu shaqaaleysiiyo macallimiin carruurtooda wax barta.”

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Dadka Soomaaliyeed ee canshuurta bixiya waaye waxa keenay fursadaan, ee ah inay dadkeena wax bartaa.”

Billo kahor ayay aheyd markii sidan oo kale ay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay shaacisay in shirkadaha qaar ee soo xareystay tartankii adeegga Xujeyda Soomaaliyeed ay codsigooda kusoo gudbiyeen dukumtiyo been abuur ah, sida shati been abuur ah.

Si kastaba, ka baaqsiga in wasaaradda waxbarashada ay xogta dadkaasi la wadaagto xeer ilaalinta ama hay’addaha kale ee shaqada ku leh ayaa lagu macneeyay mid ay digniin kama dambeys ah ugu direyso dadka ku kaca been abuurka, gaar ahaan kuwa soo xareysta fursadaha kala duwan ee wasaaraddu baahiso.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News