Muqdisho (Kaab TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa kumanaan askari u dirtay dalal dibadda ah, si ay u xoojiso ciidamada xoogga dalka oo dhisme uu ku socdo, dagaalna kula jirta Alshabaab, sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.
Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay 3,000 oo askari midkiiba u dirtay dalalka Eritrea iyo Uganda.
Lataliyaha amniga qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in 6,000 oo askari oo dheeraad ah loo diri doono dalalka Itoobiya iyo Masar, tiradaan ciidanka loo diray Eritrea iyo Uganda iyo kuwa la qorsheeyey in tababarka loogu qaado Masar iyo Itoobiya ay gaarayaan 1,200 oo askari.
“Waxaan rabnaa inaan dhameystirno diyaarinta 15,000 oo askari sanadka 2023-ka ayuu yiri lataliyaha dhinaca amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali.
Sida ay ogaatay (Kaab TV) intii ay socotay soo daabulida ciidanka laga keenay dalka Eritrea ee tababarka soo dhameystay, diyaaradda keenta Muqdisho waxay Eritrea ku celineysay ciidan kale oo cusub oo tababar loo diray, kuwaas oo laga qoray Muqdisho.
Warkaan ayaa imaanaya iyadoo warbixin uu soo saaray machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda uu shaki geliyey in dowladdu ay buuxin doonto bisha December 2024-ka qorshaha la doonayo inay ku hesho 24,000 oo askari oo diyaar u ah inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee qaranka.
Xiligaas waxaa qorsheysan inay dalka isaga baxaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga ee ATMIS.
“Jadwalkan waa mid hami weyn leh, sababtoo ah laamaha amniga Soomaaliya uma badna in ay si buuxda u madax bannaanaadaan waqtigaas, sidoo kale uma badna in Alshabaab laga adkaaday ciidan ahaan ayaa lagu yiri warbixinta Heritage.
Afyare Cilmi oo ah Agaasimaha fulinta ee Machadka Heritage ayaa yiri Waqtiga kama dambaysta ah iyo xaqiiqda ah in ciidanku ku jiro dagaal isla markaana dib loo dhisayo, waxaan ku doodaynaa inay tahay waqti aad u kooban, way adkaan doontaa in lala kulmo.