Muqdisho (KAAB) – Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay Kulan Wadareedka Farsamo ee dhaqangelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Hannaanka doorashooyinka Qaranka.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen farsamoyaqaanno ka socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dastuurka, xafiisyada madaxweynaha iyo R/Wasaaraha iyo howlwadeennada shaqada sii wada ee katirsan guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha ayaa xoogga lagu saaray sidii loo heli lahaa qorshe shaqo oo dhameystiran oo la xiriirta doorashooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, dowladda Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa howlwadeennada kala duwan ee matalayay xafiisyada kala duwan uga waramay ahmiyadda in la helo qorshe dhameystiran iyo kaallimo kala cad oo la xiriira doorashada taasoo lagu shaqeynayo muddada soo socota.
“Waa in xafiisyadan kala duwan ay isla dejiyaan qorshe lagu shaqeeyo, oo cid walba ku qanci karto iyada oo la tixgelinayo heshiiska doorashada oo ay gaareen madasha wadatashiga qaran” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallim Fiqi.
Inta uu kulankan socday waxaa soojeedinno kala duwan soo bandhigay xafiisyada iyada oo laga dooday shuruuc badan oo wax kabadal u baahan, waxaa laisla soo qaaday arrimaha sharciga, wacyigelinta, la falgalka saamileyda iyo qeybaha kale ee jileyaasha siyaasadda iyo bulshada.