Khartoum.(Kaab TV) – Dowladda federaalka oo maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa billowday soo daadgureynta muwaadiniinteeda ku xayiran dalkaasi, kuwaas oo u badan arday wax ka baraneysay magaalada caasimada ah ee Khartoum.
Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo caga dhigtay diyaarad sidday illaa 18 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo laga soo qaaday waddanka Sudan oo ay isku haatan laba Jeneraal oo isku haya awoodda.
Muwaadiniinta lasoo daad-gureeyay ayaa laga soo qaaday magaalada Buluja oo ku taalla xuduudda ay Sudan la wadaagto Koonfur Sudan, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.
Dhinaca kale Danjire Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo ah ku-simaha xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dadkan ay diyaarad qaas ah, oo ay leedahay dowladda Kenya, kasoo qaaday dalka Koonfur Sudaaln, isla-markaana la keenay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii ay dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeelatay colaadda ka taagan dalka Sudan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in markale dagaal culus uu ka qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.
Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.
Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.
Dagaalka ayaa xaafadaha shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459 qof, wuxuuna dhaawacay illaa 4,000 oo kale.