Muqdisho (Kaab TV)– Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ey iibisay kalluun si sharci darro ah oo doomo ajaaniib ah uga kalluumeysteen xeebaha Soomaaliya, oo ay gacanta kuso dhigeen ciidanka badda.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa maxkamadda gobolka Banadir 16-04-2023 horkeenay 36 eedaysane oo lagu eedeeyay kalluumaysi sharci darro ah, eedaysaneyaasha ayaa watay 2 doon oo ay saarnaayeen kalluun lagu qiyaasay xilligaas ku dhawaad 30 tan ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.
Maxkamadda gobolka Banaadir oo hore u baahisay iibinta kaluunkan ayaa waxay ugu dambeyn caawa shaacisay inay iibisay kaluunkaasi oo ahaa ku dhawaad 30 tan kaasi oo dhawaan lagu soo qabtay doomo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay xeebaha dalka.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa hore u sameysay sharuudo iyo sharci loo marayay iibinta kalluunkaas waxaana shirkadaha kala ah Fatwo Fiish iyo Sardiin Fish ay buuxin waayeen sharuudaha, sidaasi darteed Somali Seafood ayaa ku guuleystay in laga iibiyo kalluunka kadib markii ay buuxisay dhammaan hannaankii loo qabtay, sida lagu yiri warqad kasoo baxay maxkamadda.
Si kastaba Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta badda Soomaaliya xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka kaluumeysiga sharci darada.