SO | EN

SO | EN

DF oo sheegtay sida lagu xakameynaayo arrin kusoo badatay Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) –Senator Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo golaha Baarlamaanka labadiisa aqal usoo gudbisay sharci kusaabsan nidaaminta daawooyinka aas aasiga ah ee ganaacsi ahaan loo keeni karo gudaha dalka.

Senator Dufle ayaa waxa uu sharcigan kusheegay in lagula dagaalami doono daawooyinka ay sida qaldan u isticmaalaan dhalinyarta taas oo kusoo badatay gudaha Caasimada ayna Wax badan kabadali doonto ladagaalanka Maandooriyaha ee dowlada kawado magaalada Muqdisho.

Markii ay burburtay dowladii dhexe wasaarada caafimaadka kuma lahan wax hubin ah ganacsato ayaa iska wadato oo iska soo degsato suuqa Bakaaraha ayeyna iska geystaan Farmashiyaalka ayeyna ka iibsadaan waana halkas halka ay dhibaatadu kajirto oo dhalinyartu ay kahelaan ayuu yiri Senator Dufle.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News