SO | EN

SO | EN

DF oo soo bandhigaysa shaqsiyaad dambiyo dalka ku galay oo ka maqan

|

Muqdisho (Kaab TV)– Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay kuwaasi oo ka maqan Taliska ayaa sheegay in tallaabada ay qeyb ka tahay sidii cadaalad loogu qaado sida ay qabaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala arrintaan ayaa imaneysa xilli uu maanta taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye-Guuto Sulub Axmed Firin uu kormeer ku tegay xarunta hoggaanka xariirka dibadda iyo Interpol ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa dhawaan soo bandhigidoona eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay si cadaalad loogu qaado sida ay qabaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u yaala ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaan waxa uu xubin buuxda ka yahay Booliska caalamka ee Interpol taas oo qeyb libaax ka qaadatay la-dagaalanka dambiyada xaduudaha ka gudba iyo kuwa caalamiga ah Taliye Sulub ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Hasayeeshee dib u habeynta uu taliska cusub ku sameeyay xarumaha hoosyimaada iyo shaqadii uu hayay ayaa muddooyinkii dambe laga dareemay caasimadda xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News