SO | EN

SO | EN

DF Soomaaliya oo ciidamo ku daabuleysa Gedo

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ku daabuleysa deegaano ka mid ah gobolka Gedo xilli ay meel sare gaartay xiisadda colaadeed ee ka dhex taagan Jubbaland iyo Muqdisho.

Diyaarado sida ciidamo aan tiradooda la sheegin ayaa Talaadadii loo qaaday magaalada Baardheere.

Diyaaradaha qaadaya ciidamadan ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka illaa hadda kama hadlin sababta ay ciidamadan ugu direyso gobolka Gedo.

Hase ahaatee waxaa cirka isku shareeray xiisadda u dhexeysa maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Dowladda Federaalka.

Toddobaadkii hore ayaa war saxaafadeedkii kasoo baxay Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay dhiseyso maamul “sharci ah” oo ay yeelato Jubbaland, taasoo ka dhigan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo inuu dhiso maamul ka duwan midka Axmed Madoobe.

Daabulidda ciidaman loo qaadayo Gedo, waxay ku soo aadeysa xilli maalmo ka bacdi ay Dowladda Federaalka qaadday xayiraaddii saarneyd degmada Doolow ee gobolka Gedo halkaas oo maamul taabacsan Jubbaland uu ka shaqeynaayo.

Muddo ka badan afar bilood ayaa waxaa xayirnaa isku socodka dhanka hawada ee degmada Doolow iyo magaalada Muqdisho, halka diyaaradaha taga Kismaayo iyo Dhoobley lagu qasbay inay marka hore soo maraan Muqdisho.

Odayaal lagu xiray Garbahaarey

Dhanka kale, xiisadda jubbaland ayaa hadda saameysay degmooyinka kale ee Gedo.

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ayaa sheegay in Talaadadii lagu xiray magaalada Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo, kaddib markii ay ka hor yimaadeen ciidamo hubeysan oo laga soo diray Muqdisho oo lagu daabulayo gobolka.

Suldaan Cali Xaashi ayaa sheegay in koox odayaal ah laga soo qabtay guryahooda subaxnimadii Talaadada, islamarkaana qaar ka mid ah odayaasha ay si xun u jirdileen booliiska.

Arrintan ayaa dhacday iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta ciidamo cusub u dirtay gobolka, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Jubbaland iyo Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News