DF Soomaaliya oo ciidamo u daad-gureysay Koonfur Galbeed

|

MUQDISHO (KAAB TV) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa Haramcad u daabushay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli uu haatan sii xoogeysanayo khilaafka culus ee soo kala dhex-galay Muqdiso iyo Baydhaba.
Ciidamadan ayaa saaka diyaarad looga qaaday Muqdisho, waxaana la geeyay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena ah caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay Warbaahinta in ciidamadan oo ah qaybtii ugu horreysay lagu qaaday diyaarad nooca loo yaqaano Foker 50, waxaana ujeedka uu yahay in ay xoojiyaan ciidamada ku sugan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale, qorshaha Villa Soomaaliya ayaa ah in ay adkeysato gacan ku heynta magaalada Baraawe, illaa degmada Buurhakaba ee gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin mucaaradka Koonfur Galbeed oo horay dhaq-dhaqaaqyo uga bilaabay halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud xalay lagu amray inuu diyaariyo 1,100 askari oo laga soo xulayo qeybaha ciidamada, si loogu adeegsado Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo shalay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka dambeysay dagaalladii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay, isaga oo sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay isku ajende noqdeen Dowladda Federaalka iyo kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay taasi caddeyn u tahay hub uu tilmaamay in lasoo dhex-marsiiyay Khawaarijta kadibna la geeyay degmada Buurhakaba oo ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News