Muqdisho (KAAB) –Xiisada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka sii daraysa iyadoo aysan jirin wax wada- hadal ah oo dhaxmaraya Dowladda iyo Itoobiya.
Waxaa dhawaan Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya hab ka baxsan maamuska ula dhaqmay saraakiil Itoobiya mar uu ka qayb galayay shirka midowga Afrika ee ka dhacayay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in ay qaaday talaabooyin ku haboon hab dhaqanka dowladda Itoobiya isla markaana ay u gudbisay mowqifkeeda ka dhan ah Dowladda Itoobiya
Wasiir ku-xigeeka Arrimaha-dibedda DFS Isak Farah oo la hadlay Arlaadi Radio ayaa yiri:
“Xidhiidhka Itoobiya hoos ayaan u dhigney, go’aanka u danbeeyana wuxuu noqon safiirka oo aan erinno.” ayuu u sheegay Isak Farah Wasiir ku-xigeeka Arrimaha-dibedda DFS.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa Sabtidii, ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo