Baraawe (Kaab TV) – Waxaa Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose gaaray oo lagu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute, uuna qeyb ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed.
Mas’uuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa u tegay magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed in ay qeyb ka noqdaan dhameystirka xalka rabshadihii dhawaan ka Dhacay Magaalada ee u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga Soomaaliya.
“ Waxaan bogaadinayaa socdaalka ay ku soo gaareen Magaalada Baraawe oo sidoo kale maalmo Ka hor aan ku soo dhaweenay mas’uuliyiin ka tirsan Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu si balaaran u soo dhaweenayaa dhamaan Dhinacyada ka qeyb qaadanaya in xal loo helo shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay Baraawe ayuu yiri” Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Ibraahim Barre.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in wafdiga uu hogaaminaayo ay ku sugnaan doona Magaalada Baraawe inta ay si Dhameystiran loo soo gabagabeenayo xiisadii dhawaan dhacday, si loo hubiyo loona xaqiijiyo Nabadda iyo xasiloonida Caasimadda Koonfur Galbeed.