MUQDISHO (KAAB TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka meertada 37aad ee Golaha Midowga Afrika waxa ay dhexgaysay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay madaxbannaanida & wadajirka Soomaaliyeed kaddib markii 1dii Janaayo 2024 ay Xukuumadda Addis Ababa shaacisay heshiis sharci-darro ah.
Dowladdu waxa ay sheegtay in tallaabada gurracan ee Itoobiya ay qaadday ay dhaawac ku tahay madaxbannaanida iyo wadajirka sidaas darteed Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in aanay marnaba aqbali doonnin damacaas dhinac marsan shuruucda caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya ay iska indho-tirtay shuruucda caalamiga ah iyada oo ka raacday danaheeda gaarka ah ee damaca gurracan uu ku xambaarayo balse Dowladdu ay si cad uga hor timid tallaabadaas xadgudubka ah.
Soomaaliya ayaa Golaha Midowga Afrika ka dalbatay in uu meel cad ka istaago damaca gurracan ee Itoobiya isla markaana uu caddeeyo mowqifka xadgudubkaas damaca waalida ah ku sababay in ay Xukuumadda Addis Ababa ay raadiso heshiiskaas sharciga baalmarsan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka falcelisay damaca gurracan ee Itoobiya waxa ay dacwad ka dhan ah Xukuumadda Addis Ababa ay u dirtay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo dhammaan labada Dal xubno ay ka yihiin.