Calmiskaad (KAAB TV) – Warqado sir ah oo laga helay degaannadii laga saaray kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad, ayaa lagu ogaaday in dhaawacyada xubno ka tirsan Daacish lagusoo daweeyn jiray isbitaallo ku yaalla magaalada isbitaalada magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, warqadahan ayaa daaha ka rogay in shirkado ganacsi ay alaabo u soo rareen kooxda Daacish, halka qaar kalena ay lacago ka heleen.
Dhanka kale, laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno, iyagoo si ku-meel-gaar ah u joojiyay in aan dadka lala wadaagin magacyada isbitaallada iyo xarumaha ganacsiga ee la tuhunsan yahay.
Puntland ayaa horey ugu eedeysay Somaliland inay taageerto kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan degaannadeeda.
Sidoo kale, dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Puntland ay degaannadii laga xoreeyay Daacish ka heleen lacago shilinka Somaliland ah, taasoo sii xoojisay tuhunka la xiriira xiriirka kooxdaas ay la leeyihiin Somaliland.