Dhaca dadweynaha ee ka jira Muqdisho oo keenay in wadooyinka qaar aan la marin

|

Muqdisho (KAAB TV) -Shacabka ku nool degmooyinka Wadajir , Dharkenley iyo xaafado kale ayaa ka cabanaya dhac xoog leh oo habeen iyo maalin ah ka dhaca xaafadahaas.

Kooxaha dadka dhaca oo wata hubka fudud iyo tooreey ayaa gala wadooyinka waxayna kadib moobeelada iyo agabyada kale ka qaataan dadweynaha.

Dadka ugu badan ee cabashada qaba ayaa ah dadka isticmaalada wada laamiga ah ee xalane oo dadka ay ku qabaan dhibaato badan.

Sidoo kale dadka ganacsatada iyo kuwa shaqada aada ayaa subaxdii wadooyinka loo galaa islamarkaana laga qaataa wixii ay wataan.

Dhaca iyo baarashada dadweynaha Muqdisho oo markii hore kaliya ahaa habeen, ayaa hadda xiliyada maalintii ah si wayn looga dareemayaa xaafadaha Muqdisho.

Hay’adaha amaanka Soomaaliya wali kama aysan hadlin dhaca iyo qayla dhaanta shacabka lamana oga sida ay dowladda Soomaaliya uga jawaabi doonto qayla dhaanta shacabka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News