SO | EN

SO | EN

Dhacdo dil ah maanta kadhacday xaafada Bangala ee degmada Deyniile

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xaafada Bangala oo katirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa saakay lagu arkay meydka nin oday oo qoorta xarig looga xiray kaas oo laga soo laa laadiyay geed kuyaala meel cidlo ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka ee degan Xaafada Bangala ee degmada Deynille oo goobta meydka yaalay tagay ayaa ciidanka ammaanka kuwargaliyay dhacdada foosha xun ee kadhacday xaafadaasi ciidanka oo goobta soo gaaray ayaa meydka kaqaaday meesha si baaritaano loogu sameeyo.

Dhanka kale, ninkan odayga ah oo lagu dilay xaafada Bangala ayaa lasheegay in uu subaxkasto ku aalamiiteen jiray wadada, dadka deegaanka ayaa sheegay markii ay arkeen ay kanexeen meydka geedka laga soo laa laadiyay.

Warar kala duwan oo kasoo baxaya dilka odaygan waxaana dadka qaarkood ey tuhmayaan in uu isaga is daldalay halka kuwa kalana ay tuhmayaan in ladaldalay oo uusan isaga geed iska soo lalmin karin.

Ugudambeyntii, majirto cid loo qabtay kiiskan ama lagu tuhmaayo, sidoo kale ilaa hada laamaha ammniga maamulka gobolka Banaadir wax war ah kama aysan soosaarin ehelka marxuumka ladilayna majirto cid ey kutuhmayaan dilka odoygooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News