SO | EN

SO | EN

Dhageysiga dacwadda wariye Bushaaro Baanday oo maanta ka bilaabatay Hargeysa

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Maxkamadda Maroodi Jeex ee magaalada Hargeysa ayaa markale dib u dhigtay dhageysiga kiiska wariye Bushaaro Cali Maxamed (Bushaaro Baanday) oo ku xiran Hargeysa tan iyo 15 May 2023.

Waa markii siddeedaad oo Bushaaro la horgeeyo maxkamadda gobolka Maroodi Jeex.

Maanta, wax yar ka dib markii dhegaysigu bilaabmay, qareen daafacaya Bushaaro ayaa dalbaday in la caddeeyo eedaha uu soo bandhigay Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland 230kii June, 2023.

Eedeymaha loo haysto Busharo waxaa ka mid ah “Baahinta Xogta La Mamnuucay”, “Ka Hor imaansho Qaranka ee Muwaadin Dibadda Ku Nool,” iyo “Daabacaadda ama Faafinta Warar Been abuur ah.”

Hase ahaatee, qareenada saxafiyadda ayaa ku doodaya in eedeymahan aysan cadeyn, maadaama xeer ilaaliyuhu uu ku guuldareystay inuu soo bandhigo cadeymo taageeraya eedeymaha.

Dhageysiga Maxkamadda ayaa dib loo dhigay illaa xilli aan la cayimin. Waxaana garsooruhu sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan goorta dib la isugu soo laabanayo.

Waxaa kulankii maanta ee maxkamadda kasoo qeybgalay wakiillo ka socday Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa maadaama Bushaaro ay heysato dhalashada waddanka Ingiriiska.

Ururrada SJS iyo RFK ayaa Jimcihii ku baaqay in Bushaaro loo soo celiyo xorriyadeeda, lana joojiyo eedeymaha been abuurka ah ee ay Xeer Ilaalinta Somaliland u soo jeedisay Bushaaro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News