Baledweyne (KAAB TV)- Cabsida laga qabo fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadba saacada ka dambeysa sii xoogeysaneysa. Dadka ku dhaqan xaafadaha Kooshin iyo Buundaweyn ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xirayaan goobaha halista ugu jira inay buux dhaafiyaan biyaha.
Dadaal ay sameeyeen bulshadu waxay ku guulaysteen xaqiijinta goobaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin Bilsidiid iyo Nuur Makal. .
Wabiga Shabeelle ee mara magaalada Baledweyne ayaa hadda maraya heerkii ugu sarreeyay ee biyaha. Waxaa jirta khatar weyn oo laga yaabo in saacadaha soo socda qeybo ka mid ah magaalada Baledweyne ay ka dhacaan fatahaado. Khatartaan ayaa ah mid aad u weyn iyadoo bulshadu aysan wali si buuxda uga soo kaban daadadkii khasaaraha badnaa ee ku dhuftay dhamaadkii sanadkii hore ee 2023-ka.
Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa ku jira feejignaan dheeri ah, iyagoo iska kaashanaya ka hortagga musiibo kale. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda hadda jirta ayaa weli ah mid khatar ah, iyadoo laga yaabo inay saameyn weyn ku yeelato dadka deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha haddii webigu jabiyo qararka.
W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan
Baledweyne.Somaaliya

