Dhageyso:-Cadaalad Darro ka jirto saldhiga degmada kaaraan ee muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) -Cadaaladdu waa udub dhexaadka dal walba oo jira , waana tan keenta in dadku ay jeclaadaan Dowladnimada .

Dowlad wanaagga la sheego waa in ay leedahay sifooyinka kala ah , Garsoor Wanaagsan , Daryeel Dowladnimo iyo in kaalin muuqata ay ka qaadato wax kasta oo danta dalka iyo dadka ku jirto .

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Dowladda Federaalka ayaa dadka ku nool qaarkood waxa ay aragti ahaan qabaan in aysan jirin nidaam cadaaladeed oo sax ah kaas oo ay dadku helaan marka ay u muraadaan .
Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda markasta oo ay ka hadlayaan arrimaha Soomaaliya waxa ay farta ku godaan waxaa kow ka ah garsoorka dalka oo ay ku sheegaan inuu yahay mid sidii loo baahnaa loogu adeegin bulshada ee howsha lagu wado uun nin tooxsi ama nin jeclaysi

Mid ka mid ah haweenka ku nool magaalada muqdisho gaaraan degmada kaaraan ayaa sheegtay in saldhiga degmada kaaran ay ka jirto cadaalad daro.

Hoos ka dhageyso:

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News