Jowhar ( KAAB TV ) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure , guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin iyo guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay waxgaradka labada beelood oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Iji oo ku yaalla xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.
Kulamadan ayaa ka kala dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan iyo deegaanka Ceel Baraf ee gobolka shabaalaha dhexe waxaana lays ku afgartay in la joojiyo xabada islamarkana la kala qaado maleeshiyaadkii dagaalamay kadibna la iskugu yimado kulamo lagu xalinayo sababta keentay colaadda u dhaxeeysa labadaas beelood.
Waxaa Soo jeedinaya : – Bashiir abdulahi osmaan