MUQDISHO (Kaab TV) – Dhallinyarada ku shaqeysta mootada ayaa bannaanbax ay ku xireen waddada KM4 ee magaalada Muqdisho ka sameeyay shalay, iyagoo ka cabanaya in ciidamada dharcadka ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee NISA ay waddooyinka ka xireen.
Dhallinyaradan ayaa sidoo kale sheegay in askarta dharcadka NISA ay baad ka qaataan, taasina ay keentay inay waddooyinka mari waayaan.
Cabdi Ibraahim Aadan oo ah guddoomiyaha dhallinyarada mootada ku shaqeysta ayaa sheegay inay dalbanayaan caddaalad iyo amni ay ku shaqeysan karaan.
“Waxaan u baahannahay caddaalad, iyo inaan nabad ku marno meel walba. Waxaan rabnaa in waddo kasta naloo furo,” ayuu yiri Cabdi Ibraahim.
Intuu socday mudaharaadka waxay dhallinyarada xireen waddada muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho, taasoo hadakgalisay isu socodka gaadiidka.
Waxay sheegeen in iyadoo shaqo la’aan baahsan ay jirto, haddana ay goosteen inay dalkooda ka shaqeystaan.
Waxay sheegeen in ciidamada nabafsugidda iyo sirdoonka ee NISA ay ka shaqeysan la’ yihiin.
“Waxaan wadnaa mootadan oo aan ku shaqeysanaa. Cid wax nasiiso ma jirto. Waxaan rabnaa in nabadsugidda nalaga qabto,” ayuu yiri mid kale oo ka mid ah dhallinyarada mudaaharaadka dhigtay.
Dhallinyaradan ayaa caddeeyay in qaarkood ay detn ku soo qaateen mootada, ka dibna ay lacag badan ku bixiyeen canshuurta waddo marista iyo leysanka, welina laga sii doonayo baad ay ka rabaan askarta jidadka taagan.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose oo u xilsaaran cabashada gaadiidleyda ka shaqeysa Muqdisho oo ay ku jiraan kuwa mootooyinka ku shaqeysta.

