SO | EN

SO | EN

Dhallinyaradii Liibya laga soo celiyay oo sheegay in waddooyinka Muqdisho looga tagay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Ku dhowaad boqol dhallinyaro u badan reer Somaliland oo ka mid ahaa dhallinyaradii tahriibka ahayd ee laga soo celiyay dalka Libya ayaa sheegay inay ku rafaadsan yihiin magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada oo cabasho ka sameeyay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM iyo safaaradda Soomaaliya ee Liibya ay u ballanqaadeen in lacago jidmar lasiin doono marka dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.

Haddase waxay sheegeen inay ku hoydaan qol yar oo ay leedahay hay’adda IOM.

Yaxye Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ah dhallinyaradan, kana soo jeeda Somaliland ayaa sheegay in markii ay yimaadeen Muqdisho laga qaatay warqadihii aqoonsiga ee ay haysteen, ka dibna ay waayeen cid ay la hadlaan.

“Markii aanu Liibya joognay waxaa nalagu yidhi ha qoranina Hargeysa, ee waxaad qorataan Muqdisho. Waxaa naloo ballanqaaday in lacago dhan $5,000 nalasiin doono,” ayuu yiri Yaxye.

“Weli waxaanu ku jirnaa xabsigii Libya, Habeenkii 10:00pm ayaa nala xareyaa,” ayuu sii raaciyay.

Yaasiin oo ka mid ah dhallinyaradan ayaa Kaab TV u sheegay in dhallinyarada ka timid Muqdisho ay iska kala tageen, hase ahaatee kuwa ka soo jeeda Somaliland ay haatan ku go’doonsan yihiin magaalada Muqdisho.

“Weliba si gaar ah ayaa anaga naloo cunsuriyeeyaa,” ayuu yiri Yaasiin.

Dhallinyaradan oo hadda ku jira xaalad quus ah ayaa ka shalaayay inay aqbaleen inay dib u soo laabtaan. Waxay sheegeen in wax kayar 14km ay u jireen xeebta Lempedusa oo ah jasiiradaha ku yaalla Badda Msdiatrenean.

Waxay ku eedeeyeen in safiirka Soomaaliya ee Liibya uu ku sameeyay khiyaano, isla markaana looga dhigay inay rajo ka jirto Soomaaliya taasoo hadda ay waayeen.

“Safiirka Soomaaliya wuxuu ka tirsan yahay mukhalisiinta [kooxaha tahriibinta],” ayuu yiri Yaxye.

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IOM ayaa diyaarado ku soo qaada dhallinyarada lagu qabto xeebaha dalka Liibya iyagoo doonaya inay u tahriibaan dhanka Yurub.

Hay’adda IOM weli kama hadlin ballanqaadyada lacageed ee loo sameeyay ee looga baxay.

Sidoo kale ma jiro wax jawaab ah oo Kaab TV ka heshey dhanka waaxda socdaalka Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee Liibya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News