Dhallinyaro ay siideyay maxkamadda oo dib loogu celiyay xabsiga

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay [Arbaco] amartay in lasii daayo dhalinyaro dhowr ah, kadib markii ay ku weyday wax dembi ah.

Dhalinyarada la sii daayay waxaa ka mid ah Abuukar Macalin, Nimco Keyf, Axmed Bulshaawi iyo Cabdi Cabdullahi. Maxkamaddu sidoo kale waxay faray taliyayaasha saldhigyada booliiska ee ay ku xirnaayeen in si degdeg ah loo sii daayo, isla markaana lagu soo celiyo alaabtooda gaarka ah, oo ay ku jiraan taleefannadooda gacanta.

Si kastaba ha ahaatee, fulinta amarka maxkamadda ayaa la sheegay in caqabad lagu sameeyay.

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa la xiriiray saldhigyada Yaaqshiid iyo Xamar Jajab, isagoo faray in aan la sii deyn dhalinyarada, kuna andacooday in ay ku xiran yihiin amar la xiriira Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana kaliya amarkiisa lagu sii deyn karo.

Arrintaas kadib, saddexda wiil ayaa dib loogu celiyay saldhigga Yaaqshiid.

Warar kale ayaa sheegaya in taliyaha saldhigga booliiska Xamar Jajab, Raxmo Sandheer, ay diiday in ay qabato Nimco Keyf markii dib loogu soo celiyay saldhiggeeda, iyadoo ku adkeysatay in ay haysato amar maxkamadeed oo lagu sii daayay. Sidaas darteed, Nimco Keyf ayaa loo wareejiyay saldhigga booliiska Hodan.

Kiis kale, maxkamaddu waxay sidoo kale amartay sii deynta laba wadayaasha bajaajta ah, Cabdi Dheere iyo Cabdi Cali, hase yeeshee weli waxaa lagu hayaa saldhigga Hodan, mana jiro xaqiijin rasmi ah oo muujinaysa in la sii daayay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News