GAALKACYO (Kaab TV) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali (Jifo-Jabsade), ayaa ka hadlay xarig lagu sameeyay dhalinyaro lagu qabtay magaalada Galkacyo saaka, kadib markii ay dhigeen mudaaharaad kooban.
Dhallinyarada ayaa cabasho nabadeed ka muujinayay xaaladda nadaafadeed ee magaalada Galkacyo, iyagoo mudaaharaadkooda ku qabtay Garoonka Cawaale Stadium, xilli lagu jiray salaaddii Ciida ee saaka.
Guddoomiyaha gobolka, Faysal Sheikh Cali, ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mudnaanta koowaad, isla markaana aan la aqbali karin abaabul aan sharciyeysneyn oo carqaladeyn kara xasilloonida.
Wuxuu ku eedeeyay dhallinyarada saaka cabashada sameysay inay doonayeen “in dadka iyo dowladdu iska hor yimaadaan” sida uu yiri.
Wuxuu kaloo ku eedeeyay dhallinyarada cabashada sameysay inay amniga khalkhal galiyeen, isagoo xusay in ciidamada ammaanka ay si waafaqsan sharciga u xireen dhalinyarada si looga hortago khal-khal amni.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, in ay codkooda ku muujiyaan si nabad ah oo waafaqsan nidaamka dowliga ah, ayna ka fogaadaan falal keeni kara dhibaatooyin hor leh.
Warar ay heshay Kaab TV ayaa sheegaya in dadka la xiray ay ku jiraan labo kamid ah dhallinyarada u ololeynayay wax ka qabashada nadaafadda magaalada.
Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in la xiray Agaasimihii Idaacadda Radio Galkacyo, Maxamed Cabdicasiis, oo haatan ku xiran xabsiga.