Muqdisho (KAAB ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaare gaystay oo ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa miino dhulka lagu aaso , isla markaana ay ku dhinteen ilaa afar qof.
Dadka dhintay ayaa dhamaan ahaa dhallinyaro ku sugnaa xaafado ka mid ah degmada Hodan kuwaas oo ku cawaynayay xaafadaha degmada.
Bartilmaameedka qaraxan ka dhacay degmada Hodan ayaa ahaa Taliye Qoslaaye oo la sheegay in guriga ka maqnaa.
Ma jirto cid sheegtay masuuliyada weerarkan dhallinyaradan ay ku dhinteen ee ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho