Muqdisho (KAAB TV) -Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo abaabushay dhaq dhaqaaqyo ka socda Xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo lagu doonayo in lagu qalqal geliyo xasiloonida Gobolka.
Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen Talaadadii, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya u matala Jubbaland, ayaa waxay ku eedeeyeen Maamulada Federalka iyo Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga dalka ee horey ugu sugnaa Jubbaland inay ciidamo ka qoranayaan deegaanada ku dhow xuduudka.
“Dowladda Federaalka waxay si bareer ah u diyaarineysaa oo ay dhaqaale u siineysaa maleeshiyaad si ay amni darro uga abuuraan xuduudka, una carqaladeeyaan nabadda Jubbaland iyo Kenya ee deriska la ah” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedeymahaasi.
Khilaafka u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo jiitamayay tan iyo bishii November ee sanadkii 2024-kii, markaasoo madaxda federaalka ay diideen in ay aqoonsadaan dib u doorashada Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Xiriirka xumaaday ayaa sii huriyay khilaafyada siyaasadeed iyo kuwa amni ee gobolka ka socda.