SO | EN

Dheeraad: Weerarkii al-Shabaab ku qaadeen guriga Macawiisleyda ee Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) – Ciidamada amaanka ayaa sheegay in shalay [Talaado] galab ay soo afjareen weerar ku bilawday illaa saddex qarax ayna xigeen rag hubeysan oo lagu qaaday guri ay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ka deganaayeen rag ka tirsan Macawiisleyda gobolka Hiiraan oo dhaawac ahaan loogu daweynayey Muqdisho.

Wararka kala duwan ayaa maanta kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Ilo waereed ka tirsan taliska booliska ayaa sheegay in in ka badan 15 ruux ay ku dhinteen guriga iyo agagaarkiisa. Waxayna dadkaasi geeriyooday isugu jiraan raggii Macawiisleyda ahaa ee guriga ku sugnaa iyo dad rayid ah oo guryo ka ag dhow joogay balse rasaasta iyo qaraxyada ay haleeleen.

Boolisku waxay kaloo sheegeen inay soo badbaadiyeen tiro dad ah.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in weerarka oo bilawday abbaare 3:00pm lagu dilay illaa 10 ruux.  Waxay ku eedeeyeen in weerarka ay geysteen Al-Shabaab.

Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa tirada dhimashada intaasi ka badisay.

Khasaaraha nafeed

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay Taliyaha Booliska Haramcad Cabdixaliin Cabdullaahi Fanax oo sida la sheegay ka mid ahaa saraakiisha ka qeyb qaadatay hawlgalka lagula dagaalamayey kooxda weerarka soo qaaday.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu faafiyey sawirrada illaa shan nin oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Macawiisleyda ku geeriyootay weerarka gurigan lagu qaaday maalintii shalay. Waxaa ku jiray nin la sheegay inuu ahaa dhakhtarkii daweynayey dhaawaca Macawiisleyda.

Kooxda weerarka soo qaaday oo illaa hadda aan la shaacin tiradooda ayaa dhowr saacadood ka dhex dagaalamayey guriga oo ku dhex yaalla xaafad aad loo deggan yahay.

Guriga la weeraray

Guriga la weeraray ayaa ku yaalla goob aad amnigeeda loo adkeeyo oo ka tirsan xaafadda Mirinaayada.  Waxaa goobta ku yaalla xarumo dowladeed iyo guryo ay deggan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo aad loo ilaaliyo.

Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin reer Hiiraan ah oo la hadlay Kaab TV ayaa shaki ka muujiyay sida koox hubeysan ay u awoodi karaan inay gaaraan guri ku dhex yaalla goob aad loo ilaaliyo.

“Gurigan xitaa ma ahayn mid dadku wada og yahay. Wuxuu ahaa guri aan dadka caadiga ah tegin oo kaliya mas’uuliyiinta ay yaqaanaan,” sidaasi waxaa yiri siyaasi reer Hiiraan oo Muqdisho ku sugan, isla markaana codsaday inaan magaciisa loo adeegaan warbixintan sababo amni darteed.

Mas’uuliyiinta aan la hadalnay ayaa sheegay in dhaawacyada Macawiisleyda oo horey looga soo qaaday magaalada Beledweyne lagu daweynayey magaalada Muqdisho.

Taliska nabadsugida oo bilo ka hor lagu wareejiyay baraha konotorool ee caasimadda iyo taliska booliska ayaan weli wax war ah kasoo saarin sida kooxda hubeysan ee Al-Shabaab ay ku gaareen guriga ay ku noolaayeen ragga Macawiisleyda ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News