SO | EN

SO | EN

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Gobolka Gedo

|

Gedo (Kaab TV) – Warar Dheerad h ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay Wadada u dhexeysa degmooyinka Balad Xaawo  iyo Dooloow ee gobolka Gedo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxa oo loo maleeynayo   in uu ahaa Miino wadada lagu aasay.

Inta la oghayah Hal of ayaa ku geeriyooday  seddax kalena waa ay ku dhaawacmen Qaraxa oo lala eegtay Gaari yar oo ZuZuku ah oo bur bur xoogan uu ka soo gaaray.

Gudoomuyaha Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo Cabdirshiid Cabdi Carook ayaa War caahinta Risaala u xaqiijiyay Qaraxa in kastoo uu ka gaabsaday in uu Faah Faahiyo Nuuca uu ahaa Qaraxa.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa la geeyay gudaha degmada Beledxaawo oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhanka kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyay waddada uu qaraxu ka dhacay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada oo ku aadan dhacdadaasi, taas oo xanuun ku reebtay dadka deegaanka.

Qaraxan ayaa qayb ka noqnayo falal amman darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gobolka, waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo qarax ahaa uu ka dhacay Ceelwaaq.

Gobolka Gedo ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado siyaasadeed oo ka dhashay magacaabista maamulka cusub ee uu gobolkaas u magacaabay madaxweyne Jubbaland.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News