SO | EN

SO | EN

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Berbera

|

Berbera (Kaab TV) – Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa ku geeriyooday laba kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Markii uu shil Gaari ka dhacay wadada u dhaxaysa Shiikh iyo berbera oo kamid ah degaannada Somaliland.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah, waxaana qofka dhintay iyo labada qof ee dhaawacantay la geeyay Isbitaalka Magaalada Berbera ee halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Ciidamada ilaalada & Nabadgelyada waddooyinka ee Somaliland ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dadka ku waxyeeloobay Shilka, sidoo kalena baaritaan ku sameeyay sababaha keenay Shilka.

Dad ku sugan Goobta uu shilka ka dhacay ayaa u gurmaday Shacabka waxyeelada gaartay, waxaana wadada xiriirisa Shiikh iyo berbera dhowr jeer sidaan oo kale uga dhacay shil gaari oo khasaaro geystay.

Bilihii iyo sanadihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Soomaaliland ku batay shilalka Gawaarida, iyada oo Somaliland ay sheegtay in sababaha shilalka badiyay ay tahay darawalada oo inta badan si xowli ah ku wada Gawaarida.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News