Beledweyne (Kaab TV) – Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xil kaqaadis kusameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Ilaa hada lama sheegin wax gaar ah oo looga xilka guddoomiyihii hore gobolka Hiiraan Cali Jeyte, laakiin ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya inay la xiriirto arrimo muddo soo soosocday oo ku saabsan hanaanka canshuuraha maamulka HirShabeelle.
Jeyte waxa uu ahaa shaqsiga kaliya ey ka go’antahay dagaalka kooxda Al-Shabaab lagula jiro, lama dhihi karo maamulkiisa waxba kama qaldaneyn, laakiin shaqada ugu weyn ee Soomaaliya taalla oo ah in laga adkaado aragagixisada Al-Shabaab boos weyn ayuu kaga jiray Cali Jeyte.
Cali Jeyte oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga horyimid xil ka qaadista, isaga oo ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan maamulka HirShabeelle.
Dhanja kale waxa uu bandow kusoo rogay gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo Hiiraan State.
Arrimaha kadhalankara dhabaha uu qaaday Cali Guudlaawe waxaa kamid ah.
1- Kooxda Al-Shabaab oo heshay fursad kale oo weyn, madama Cali Jeyte u muujiyay dareenkiisa oo u soo qaban qaabiyay una kiciyay qabiilkiisa, waqtiga uu dagaalka galiyay iyo sida uu dunida iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu soo jeediyay dagaalka Al-Shabaab lama dafiri karo.
2- Sida loogu baahanyahy siyaasi ey Kooxda Alshabaab si ween ukala fogaadeen maamuladda degmooyinka iyo gobollada Soomaaliya waxaa inta badan lagu eedeeya inay cilaaqaad qarsoon la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
3- Kicinta qabaa’ilka Soomaaliyeed, Cali Jeyte xilka kaqaadistiisa waxay u badan tahay inay keeni doonto kala qeybsanaan ku saabsan sida ay beeshiisa ugu mideysan tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.