MUQDISHO (Kaab TV) – Kaab TV ayaa heley liiska dhulalka danta guud ee lala wareegay labadii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo dadkii rayidka ahaa ee degganaa laga kiciyay, lagana iibiyay ganacsato.
Waxyaabaha mudan u fiirsashada ayaa ah in iyadoo dhaqaale burbur baahsan iyo sicir barar daran uu ka jiro Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemayaa koboc xagga maalgashiga hantida ma-guurtada ah.
Arrintan ayaa barbar socota kororka naxdinta leh ee dad rayid ah si qabka ah looga barakicinayo guryahooda.
Laba sano ee la soo dhaafay, kumannaan qoys ayaa laga saaray dhulal dadweyne oo ay degganaayeen in ka badan 30 sano.
Dhulalkan ayaa inta badan loo iibiyay ganacsato iyo hay’ado maaliyadeed, oo ay ka mid tahay Premier Bank ee Muqdisho. Hadda dhulalkan waxaa dib loogu dhisayaa guryo dabaqyo ah, suuqyo ganacsi, iyo hoteello.
Lacag lagu qiyaasayo in ka badan 100 milyan doollar ayaa la sheegayaa in lagu kala iibsaday dhulkan.
Dhulalka lakala iibsaday ee danta guud ahaa waxaa ka mid ah:
1. Bacadlihii Xamar wayne iyo parking
2. Hotelkii ex-Jubba
3. Dhulkii Madbacadda Qaranka ee degmada Shangani
4. Hotelkii ex-Curuba
5. Dhulkii Kalluunka Ee degmada Waaberi
6. Dhulkii Dab-demiska Ee degmooyinka Hodan iyo Wadajir
7. Dhulkii isbitaalka Deva Hospital illaa Tarabuunka, degmada Hodan
8. Dhulkii Carwada Taleex, ee degmada Hodan
9. Dhulkii Qubuuraha Iskuul Boolisiya ee degmada Xamar Jajab
10. Xaafadda Shareeco, Degmada Kaaraan
11. Xeradii ciidamada Oodweyne ee degmada Dayniile
12. Xeradii Guulwadayaasha
13. Dhulkii Sona-keey iyo Warshaddii hore ee Kabka ee degmada Hodan
14. Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee degmada Hawl-wadaag
15. Suuq Khaliifa
16. Saldhiga Booliska degmada Xamar Wayne