SO | EN

Dib u doorashada DENI maxay uga dhigan tahay Xasan Sheekh ?- Jaangoynta 2026.

|

Muqdisho (KAAB) Magaalada Garoowe oo in mudda ah  uu ka jiray karkar siyaasadeed ayaa maanta  oo isniin ah waxa ka dhacay isbedel soo afjaray muran in muddo ah ka taagnayd geedi socodka doorashada.

Doorashada  oo ay riixayeen danlay badan oo siyaasadeed ayaa waxaa ku guulaystay in shanta sanno ee soo socota  uu layliyo maamulkaas Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo helay codadkii ugu badnaa.

Loolanka siyaasadeed ee la galay , waxaa ku jiray  Villa Soomaaliya , Nabada iyo Nolol iyo dalal kale oo  uu ka mid yahay imaaraadka .

Villa Soomaaliya ayaa doonaysay  oo xoog  iyo hanti badan galisay sidii loo soo afmeeri lahaa waayaha Saciid Cabdullaahi Deni oo ay u arkaysay khatar siyaasadeed oo ay adkaan doonto  in xal  laga gaaro mustaqbalka dhaw.

Hadal kooban oo madaxweyne Deni uu jeediyay ayuu ku sheegay inay Puntland u furantay bog cusub, wuxuuna ku baaqay in la iscafiyo oo la iska hilmaamo wax walba oo horey u jiray , mana ku darin hadalkiisa inuu iska iloobay Villa Soomaalia.

Yeelkadeed, waxaa kaloo bog cusub u furmaya  Madaxtooyada Soomaliya ee uu hadda hoggaaminayo Xasan Sheekh iyo Madaxwaynaha Puntland Saciid deni ee dib loo doortay maanta.

Madaxwayne Deni iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kula – tagay magacaabista Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre tan iyo xiligaas waxaa sii xumaanayay marba marka ka danbeysa xiriirka Deni iyo Xasan Sheekh.

Shantii sanno ee la soo dhaafay , Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu meel adag ka istaagay la shaqaynta Dowladda dhexe waxa uu iska diiday shirar badan iyo qorshaal badan oo dani ay ugu jirtay  Xasan Sheekh Maxamuud , isaga oo u arkayay wax badan oo micno lahayn  dadka Puntland.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee  Xasan Sheekh  uu hoggaaminayo marnaba kuma farxin maanta dib u doorashada Deni waxayna u arkaan halis kale oo meesha ka saari karta danahooda gaarka ah.

Isbedel xagga siyaasadda ayaa markale tani ku keentay saaxadda siyaasadda Soomaaliya iyadoo Villa Soomaaliya ay ka fakari doonto shaxda kale ee ay la soo gali doonaan cayaarta siyaasadeed ee  kala dhaxeysay Deni.

Marka laga yimaado in dib u doorashada Madaxweyne Saciid Deni inay wax ka bedeleyso xaalada siyaasadeed ee xilligan , sidoo kale waxay wax ka bedeli doontaa doorashada Madaxtinimada Federaalka ee 2026.

WD : Hanad Ali Guled.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News