Spain (KAAB TV) – Qaybo badan oo kamid ah Dalka Spain waxaa ka dhacay dibadbaxyo ka dhan ah Israa’iil oo dhibaatooyin xooggan kana dhana ah Aadanaha ka gaysatay Magaalada Gaza labadii sano ugu dambeysay iyada oo dalal badan ay daawanayaan arrintaan.
Dadka Spain ayaa garab istaagay warka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta dalkaas ee la xiriirta in la baaro kiisaska faraha badan ee Israa’iil ka gaysatay Magaalada Gaza iyada oo si bareer ah u hor istaagtay gargaarkii loo waday shacabka ay go’doomisay.
Dowladda Spain ayaa kol hore qaadatay go’aamo cajiib ku noqday Israa’iil sida in ay aqoonsatay Dowladda Falastiin, in ay joojiso xubnaha Yuhuudda ah ee dhulkeeda tagaya iyo in ay codkeeda ku biirisatay dalalka saxiixay dacwadda ka dhanka ah Israa’iil.
Dalal badan oo ay ku jiraan kuwa garab istaagga u muujinayay Israa’iil ayaa markii dambe dhinac uga soo jaystay xadgudubka xargaha goystay ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin iyo Dalal kale oo gobolka dhaca, taasina ay abuurtay colaad xooggan.

