Dibadbaxayaal diidan muddo kororsiga Xasan Sheekh oo lagu rasaaseeyay Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dadweyne ka qeyb galay mudaaharaad maanta ka dhacay waddada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo looga horjeedo waqti kororsiga Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu kala ceyriyay rasaas.

Dadweynaha bannaanbaxay oo u badan haween iyo dhallinyaro ayaa isugu soo baxay waddada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin “dooni meyno kaligii taliye Xasan Sheekh” iyo “Xasan Sheekh wuxuu kursiga ugu fadhiyaa si xoog ah”.

Bannaanbaxayaasha ayaa kasoo dhaqaaqay dhanka xaafadaha Wadajir iyagoo u soo dhaqaaqay isgoyska KM4 ka hor intii aan loo ridin rasaas.

Muuqaallo ay qabteen kaamirooyinka saxaafadda ayaa muujinaya nin hubeysan oo rasaas kor ugu ridaya dadka dibadbaxayaasha.

Shamso Daahir oo ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegtay in haweenka ka qeyb qaadanayay dibadbaxa ay u badan yihiin kuwii laga barakiciyay xaafado ku yaalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

“Dadka waxay muujinayaan dareenkooda ay ku diidan yihiin barakicinta Xasan Sheekh Maxamuud uu ku haayo shacabka Muqdisho,” ayey tiri Shamso.

Caasho Maxamed oo ka mid ahayd haweenka maanta ka hadlay dibadbaxa ka hor intii aan rasaas lagu kala ceyrin ayaa tiri “Xasan Sheekh wuxuu ka ilmo dhalaayaa gabar uusan qabin. Kursiga wuxuu ku joogaa si xoog ah.”

Dhallinyarada iyo haweenka bannaabaxay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “barakiciye” Xasan Sheekh, iyo “waad na dhibtaye na dhaaf.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News