Turkiga (KAAB TV) – Kuma naan kun oo qofood ayaa ka qayb galay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga loo taxaabay laguna eedeeyay falal la xiriira musuqmaasuq.
Sidoo kale, Ekrem Imamoglu, duqa magaalada Istanbul, ayaa lagu waday in Axadi loo doorto musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga (CHP), doorashada xigta ee dhaceysa sanadka 2028-ka.
Dhanka kale, Qalalaasihii ugu weynaa muddo ka badan toban sano ayaa ka dhacay Turkiga Axadii, iyadoo mudaaharaadayaasha loo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ka sameysan.
Imamoglu ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo siyaasadeysan. “Marna hoos isuma dhigayo”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X ka hor xarigiisa.
Sidoo kale, Erdogan ayaa dhaleeceeyay mudaaharaadyada, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga CHP inay isku dayayaan inay khalkhal geliyaan nabada oo ay kala fogeeyaan dadkeena.
Sikastaba, isku soo baxyada ayaa ka dhacay ugu yaraan 55 ka mid ah 81-ka gobol ee dalka Turkiga, ama in ka badan saddex-meelood laba meel oo dalka ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.