SO | EN

SO | EN

Diblomaasi ka tirsanaa safaaradda Itoobiya oo Muqdisho laga ceyriyay iyo qabiilkiisa

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Cali Maxamed Aadan, oo ahaa diblomaasi ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa maanta laga ceyriyay magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Cali Maxamed Aadan ku eedeysay inuu ku kacay falal ka dhan ah qaynuunka diblomaasiyadda, iyo inuu ku xadgudbay madax-bannaanida dhulka Soomaaliya.

Ma cadda waxa lagu galay Cali Maxamed Aadan.

Cali oo ahaa ku simaha safiirka ee safaaradda Itoobiya ayaa ah nin kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana uu ahaa diblomaasi ka tirsan safaaradda Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Cali Maxamed Aadan ku eedeysay inuu ku kacay falal ka dhan ah qaynuunka diblomaasiyadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Cali Maxamed Aadan ku eedeysay inuu ku kacay falal ka dhan ah qaynuunka diblomaasiyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u ceysisay safiirkii Itoobiya ee Xamar, iyadoo safiirada Itoobiya ee Hargeysa iyo Garowe ay weli hawlahooda wataan.

Tan iyo markii Itoobiya ay heshiiska MOU-ga badda la saxiixatay Somaliland, waxaa aad u cakirnaa xiriirka Muqdisho iyo Itoobiya.

Dhacdadan lagu ceyriyay danjire Cali Maxamed Aadan weli kama aysan hadlin dowladda Itoobiya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News